Ku dhawaad 30 meyd oo laga helay doon ay la socdeen dad tahriibeyaal ah

Meydadka 29 qof oo tahriibeyaal ahaa ayaa laga helay doon si aad ah loo buux dhaafiyay oo ay ku safrayeen dad Qaxooti ah oo ka kala tagay wadamo ku yaalla qaaradda Africa.

Dadkaasi oo dhintay kadib markii ay ku neef qabatoomeen shidaal iyo biyaha badda oo doontooda ugu galay ayaa waxaa meydadkooda helay Howl wadeenno ka tirsan hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ee dalka Franciiska.

Masuuliyiinta MSF ayaa sheegay doonta meydadkaasi laga helay oo ay saarnaayeen 107 qof oo kale ay ka heleen meel 26 mile u jirta xeebaha dalka Libya.

23 qof oo kale ayaa la badbaadiyay iyagoo six un ugu gubtay shidaalka iyo biyaha badda ee isku darsamay.

Shalay oo arbaca ahayd ayey qaramada Midoobay sheegtay in sanadkaan gudihiisa oo kaliya ay 3,800 oo tahriibeyaal ah ku dhinteen badda Mediterranean-ka xili ay kusii wajahnaayeen dalalka ku yaalla qaaradda Europe.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *