Milatariga Shiinaha iyo Sacuudiga oo isla sameyay tababar ku aadan la dagaalanka argagixisada

Cutubyo gaar ah oo ka kala tirsan Milatariga dalalka Shiinaha iyo Saudi Arabia ayaa si wada jir ah u sameeyay tababarkii ugu horreeyay ee ku aadan ka hor tagga iyo la dagaalanka falalka argagaixisanimo.

Tababarkaan oo bilowday 10-kii bishaan October ayaa muddo 2 isbuuc ah ka socday magaalada Chongqing eek u taalla Koonfurta-galbeed ee dalka Shiinaha, waxaana ka qeyb galay 25 askari oo ka socota Sacuudiga iyo 25 askari oo ka socota Shiinaha.

Arrintaan oo ay soo tabiyeen warbaahinta Sacuudiga iyo Shiinaha ayaa qeyb ka ah dadaallo is daba jog ah oo ay muddooyinkaan dowladda Shiinaha ku dooneysay in ay ku xoojiso iskaashiga dhinaca amaanka ee ay la leedahay dalalka ku yaalla gobolka bariga dhexe.

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa horaantii sanadkaan booqasho ku tagay waddanka Sacuudiga, isagoo xiligaas ballan qaaday in dowladdiisa ay xoojin doonto wada shaqeynta ku aadan la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagaixisada ee ay la sameyso dhigeeda Saudi Arabia.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *