Wasiirka caafimaadka oo gacan ka geysanaya baaritaan ku aadan fadeexad lala xiriiriyay wasaaradiisa

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Kenya Cleopa Mailu ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay diyaar u tahay in ay taageerto hanaanka lagu sameynayo baaritaannada la xiriira fadeexadda dhaqaale eel ala xiririyay wasaardaasi.

War bixin hordhac ah oo ay soo saartay waaxda xisaabaadka oo warbaahinta loo soo gudbiyay ayaa lagu muujiyay in wasaaradda caafimaadka aysan meel ku sheegi Karin lacag dhan 5 billion oo shilin.

Dr Mailu ayaa war saxaafadadeed uu soo saaray ku ballan qaaday  in uu caawin doono saraakiisha sameyneysa baaritaankaasi ku aadan fadeexadda lan tuhunsanyahay in lagu lunsaday lacagtii ugu badneyd intii ay dalka maamuleysay dowladda Jubilee.

Dhaqaalaha maqan ayaa la sheegay in uu yahay kii lagu qoondeeyay miisaaniyad sanadeedkii 2015/2016-ka, taasoo wasaaradda lagu wareejiyay intii uu xilka hayay wasiirka hadda hogaaminaya wasaaradda caafimaadka.

Dhanka kale, masuuliyiinta maamul goboleedka Mombasa ayaa beeniyay eedeyn ku saabsan in maamulkaasi uu lunsaday lacagtii loogu tala galay miisaaniyad sanadeedyadii lasoo dhaafay.

Mohamed Hatmi oo xubin ka ah golaha wakiillada ee Mombasa ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ahaa in dowlad goboleedka Mombasa ay si khaldan u isrticmaashay 32 billion oo shilin.

Dowladda dhexe ayaa waaxda xisaabaadka qaran ugu baaqday in ay baaritaan ku sameyso qaabka ay lacagaha u isticmaashay dwladda Countiga Mombasa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *