William Ruto oo la filayo in uu booqdo harada ay dagaallada ka socdaan ee Kerio

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa la filayaa in uu maanta booqasho ku tago deehaanno ku xeeran harada Kerio ee ay ka socdaan isku dhacyada u dhexeeya beelaha iska soo hor jeeda.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa lagu dilay weeraro qeyb ka ah dagaalkaasi oo dhex maraya qoomiyado kala dagan galbeedka Pokot iyo Elgeyo Marakwet.

Safarka uu Mr Ruto ku tagayo gobolkaasi ayaa qeyb ka ah dadaallada loogu jiro in wax laga qabto isku dhacyada salka ku haya weerarada burcadnimada ah iyo kala dhaca xoolaha nool, gaar ahaan lo’da.

Waxaa hakad galay adeegyadii guud ee shacabka, dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga iyo wax barashada, amni darrada ay sababeen dagaaladaasi awgood.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta marki uu halkaasi gaaro waxaa la filayaa in uu qabto kulan looga hadlayo amaanka oo ay ka qeyb gali doonaan saraakiil iyo wax garadka deegaankaasi.

Booqashada Ruto ayaa timid xili Shalay ay magaalooyinka Eldoret iyo Iten ka dheceen dibad baxyo ay shacabka kasoo jeeda qoomiyadda Marakwet uga cabanayeen in deegaannada ay dagaallada ka socdaan aysan booqanin masuuliyiinta dowladda, marka laga reebo madaxweynaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *