Xisbiga ODM oo ku guuleystay inta badan doorashooyinkii ku celiska ahaa ee shalay dhacay

Xisbiga mucaaradka ah ee ODM ayaa ku guuleystay 3 ka mid ah 4 doorasho oo ku celis ah oo heerka kuraasta goleyaasha wakiillada ah oo shalay arbacadii ka dhacay qeybo ka mid ah Kenya.

Xisbigaasi uu hogaamiyo raysul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa hantay kuraasta xildhibaannada baarlamaannada hoose ee deegaannada Nyacheki oo ka tirsan maamul goboleedka Kisii, Kalokol oo ka tirsan maamul goboleedka Turkana iyo Mosiro oo ka tirsan maamul goboleedka Kajiado.

Naftali Onkoba oo ah siyaasiga ODM ka tirsan eek u guuleystay doorashada ku celiska ah ee Nyacheki ayaa mahad celin ballaaran u jeediyay dhammaan dadkii doortay.

Xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa guul kasoo hoyiyay 1 doorasho oo ah tii loogu loollamayay kursiga baarlamaanka hoose ee deegaanka Sala oo ka tirsan maamul goboleedka Tana River.

Doorashooyinka ku celiska ah oo si adag loogu tartamayay ayaa qaarkood waxaa siyaasiyiintii mjusharaxiinta ahaa ay ku kala guuleysteen tiro farqi ah oo aad u yar.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *