Dambi baareyaasha gudiga EACC oo howlgal baaritaan ah ka fuliyay xarunta wasaaradda caafimaadka

Koox dambi baareyaal ah oo ka amar qaatta gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa saaka weerar ku qaaday dhismaha Afya House ee saldhjiga u ah wasaaradda caafimaadka ee dalka.

Saraakiisha EACC ayaa halkaas ka billaabay baaritaan baaxad leh oo ku aadan fadeexadda dhawaan soo baxday ee la xiriirta in lacag dhan 5.3 billion oo shilin laga lunsaday dhaqaalihii ay ku shaqeyneysay wasaaradda caafimaadka.

Tallaabadaan ayaa timid xili saraakiisha sar sare ee wasaaraddaasi ay wajahayaan cadaadis xoogan oo ku saabsan fadeexadda musuqmaasuqa ah.

Gudiga arrimaha caafimaadka ee aqalka Senete-ka dalka ayaa shalay dalbaday in ay kasoo hor muuqdaan wasiirka caafimaadka Cleopa Mailu iyo xog hayaha joogtada ah ee wasaaradiisa Nicholas Muraguri, si ay su’aalo u weydiiyaan.

Labada sarkaal ee ugu sareysa waaxda caafimaadka ee Kenya ayaa laga doonayaa in ay sharaxaad ka bixiyaan qaabka ay lacagtaasi ku luntay, iyagoo masuuliyaddana qaadi doona.

Dhaqaalaha lagu la’yahay wasaaradda caafimaadka oo qeyb ka ahaa miisaaniyad sanadeedka 2015/2016 ayaa ahaa mid loogu tala galay in lagu fuliyo mashaariic ku saabsan caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *