Ololaha ka dhanka ah maandooriyeyaasha ee dalka Philibine oo waji cusub yeeshay

Laamaha amaanka ee waddanka Philibine ayaa waji cusub u yeelay howlgalka ka dhanka ah dadka ka ganacsada Maandooriyeyaasha, iyagoo hadda bartilmaameed ka dhiganaya dadka darajadooda sareyso.

Maanta oo Jimce ah ayey booliska dalkaasi oo wada ololaha la dagaalanka muqaadaraadka toogasho ku dileen  mid ka mid ah barasaabyada wadankaasi iyo 9 qof oo ilaaladiisa ah.

Samsudin Dimaukom oo ahaa Barasaab awood leh oo ka ariminayay magaalada ay muslimiinta daganyihiin ee Datu Saudi Ampatuan ayaa ku jiray liiska dadka lagu ugaarsanayay ku lug lahaanshaha ganacsiga maandooriyeyaasha ee uu horay u shaaciyay madaxweynaha Philibine Rogrogo Duterte.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay isla magaaladaasi ka dhacday is rasaaseyn kooban dhex martay labada dhinac, kadibna ay ku guuleysteen in ay dilaan duqii magaalada iyo qaar ka mid ah ciidankii ilaalada u ahaa.

Howlgalka dhiiga badan ku daatay ee ka dhanka ah maandooriyeyaasha oo dalka Philibine ka bilowday 30-ki bishii June ee sanadkaan ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay 2,300 oo qof.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *