Ruushka oo beeniyay in uu fuliyay weerarkii lagu laayay ardayda Syria

Dowladda Ruushka ayaa gaashaanka ku dhufatay eedeymo loogu jeediyay in ay masuul ka tahay duqeyntii dhawaan ka dhacday gobolka Idlib ee laga beegsaday School, kaasoo ay ku dhinteen 36 qof oo ay ku jireen 22 carruur ah oo arday ah.

Af hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka  Maria Zakharova ayaa sheegtay in Moscow aysan wax lug ah ku lahayd dhacdadaasi ayna dalbaneyso in baaritaanno lagu sameeyo.

Schoolka la duqeeyay ayaa ku yaalla deegaannada ay mucaaradka maamulaan ee gobolka Idlib, waxaana arrintaan ay soo jiidatay cambaareyn xoogan oo ka timid dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay hay’adda UNICEF.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *