Turkeyga oo sheegay in ay yeesheen Bin laden cusub

Wasiirka caddaaladda ee dalka Turkeyga Bekir Bozdag, ayaa mar kale ku celiyay dalabka ay dowladda Turkeyga uga dooneyso dowladda Mareykanka in ay usoo gacan galiso wadaadka lagu eedeeyay in uu soo abaabulay afgambigii Milatary ee dhicisoobay ee Turkeyga ka dhacay bartamihii bishii July ee sanadkaan.

Hogaamiye diimaadkaasi oo lagu magacaabo Fethullah Gulen ayey dowladda Mareykanka ka caga jiideysaa in ay u musaafuriso dhinaca dalka Turkeyga oo si weyn looga doon doonayo.

Mr Bozdag ayaa sheegay in wax kasta oo uu Osama Bin Laden u ahaa dowladda iyo shacabka Mareykanka iyo sida ay u arkayeenba ay sidoo kale dolwadda Turkeyga iyo shacabkeedaba u arkaan Fethullah Gulen.

Wasiirka caddaaladda ee xukuumadda Ankara ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraaid oo uu war fidiyeenka u qabtay 1 maalin kadib markii uu kulan la yeeshay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka Loretta Lynch.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *