William Ruto oo sheegay in dowladda ay xaqiijin doonto amniga qof kasta oo muwaadin ah

Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa shacabka kasoo jeeda qoomiyadaha Pokot iyo Marakwet u xaqiijiyay in dowladda ay dadaal ugu jirto sidii ay xal ugu heli lahayn dhibaatada amni darrada iyo isku dhacyada soo noq noqda ee dhex mara labadaasi beelood.

Ruto oo shalay booqasho ku tagay deegaannada ay mushkiladda ka taagantahay eek u dhow harada Kerio ayaa sheegay in halkaas la geeyay ciidamo boolis ah oo dheeraad ah, kuwo kalena la qorsheynayo in lagu sii kordhiyo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadalkaan ka sheegay khudbad uu u jeedinayay dadweyne fara badan oo isku soo baxay, kuwaasoo uu dhammaantood ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan.

Mr Ruto ayaa safarkaasi uu shalay ku tagay harada Kerio waxaa ku wehlinayay saraakiil ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Joseph Nkaissery.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *