FBI-da Mareykanka o dib u bilabaay baaritanada ay ku hayaan Hiliry Clinton

Hay’ada dambi baarista ee dalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shegtay in ay dib u bilawday baaritanka iyo dabagalka ay ku hayaan emailada musharaxa xilka madaxtinimo ee Mareykanka Hiliry Clinton.

Agaasimaha Hay’adaasi James Comey oo xaqiijiyay tilaabadan cusub ayaa sheegay in baaritanka uu yahay mid baarayaashu heleen emaillo cusub oo horeleh.

Warqad la sheegay in agaasimaha FBI-da uu u diray xubnaha Congereka ayaa lagu sheega aysan eheyn mid fahfaahin balse waxaa ku qornaa oo kali ah in emailo cusub la helay kuwaas oo looga shakisan yahay in baaritankooda uu ka caawin karo.

Waxa la sheegayaa in emailladan si lama filaan ah ay uga soo baxeen baadhitaan kale oo lagu wadey Anthony Weiner oo ah ninka ay u dhaxday Huma Abedin oo ah haweenay kaaliye u ahayd Hillary Clinton.

Walow emailadan la helay aysan eheyn kuwa si rasmi ah ooga soo baxday Clinton hadana Donald Trump ayaa soo dhaweeyay baaritanka cusub ee FBI-da dib u bilaaben.

Iyadoo muddo 11 maalmood ah ay ka harsan tahay doorashada Mareykanka,musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa isku dayayaa inu ka faa’iidayso fadeexaddan ugu dambaysey ee soo baxday si uu bal u yareeyo farqiga u dhaxeeya isaga iyo Clinton ee ah tirada taageerayaasha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *