Walaac laga muujinayo bukaan shalay ku geeriyoday Isbitalka Bungoma xili uu saf dheer ku jiray

Waxaa walaac daran lagu muujinayaa bukaan shalay ku geeriyoday Isbitaalka guud ee Maamul goboledka Bungoma xili uu kujiray saf dheer si uu u helo daaweyn.

Ninkan o lagu magacaabo David Wekesa Kibui ayaa xarunta isbitaalka tagay abaare 8.00am subaxnimo ee shalay waxaana la socotay xaasikiiisa balse line ama safar dheer oo uu kujiray muddo dhan afar saacadood ayaa ku geeriyoday kurisiigi uu ku fadhiyay maadama si aad ah uu u xanuunsanayay.

Dhimashadan bukankaas ayaa waxay dhalisay mudaarahad iyo dibadbax balaaran oo ay dhigayeen dadkii halkaas kusugnaa kaaso ay ooga soo horjeeden qaabka ay wax u wadaan dhaqaatirta Isbitalka.

Sidoo kale dibadbaxyaashan ayaa ku dhawaaqaya ereyo ay kamid ah ahaayen in shaqalaaha caafimadka loo badalo goobo kale maadama ay kasoo bixi waayen shaqooyinkii loo igmaday.

Dadkii ka qeyb galay dibadbaxa iyo wiil uu dhalay aabahaasi oo 60 sano jir ahaa ayaa kawaramaya sida wax u dhaceen.

Dhanka kale maamulka isbitaalka ayaa iska fogeeyay eedeyntaas loo jeediyay waxayna sheegen in loo isbitaalka la geeyay bukankaasi oo horayba u geeriyoday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *