Boqolaal qof oo ku xanibmay Likoni kadib markii ay ciladowday mid ka mid ah doomaha Ferry-da

Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Mombasa ayaa shegaya in manta boqolaal ruux ay ka habsaameen shaqooyinkooda iyo howl maameelyadooda kale, kadib markii ay cilad ku timid mid ka mid ah doomihii Ferry-da ee ka shaqeyn jirtay Kanaalka Likoni.

Doonta oo ka mid ah ilaa 3 doomood oo ay dadka iyo gaadiidka isaga kala gudbaan barriga Mombasa iyo Jazeeradda ka baxsan xaafadda Likoni ayaa jabtay aroornimadii hore ee saaka.

Doonta ciladowday oo lagu magacaabo MV Nyayo ayaa ka mid ah doomaha waaweyn ee kaalinta baaxadda leh ka qaadamnayay howlaha kala gudbinta dadka iyo gaadiidka ee kanaalkaasi aadka mashquulka u ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dhowr qof dhaawacyo soo gaareen kadib markii ay isku dayeen in ay fuulaan doonta haleysan oo ku sugan dhinaca jazeeradda.

Waxaa hadda shaqeynaya 2 doomood oo kaliya, kuwaasoo kala ah MV Kwale iyo MV Likoni.

Taliyaha ciidamada booliska ee xaafadda Likoni Willy Simba ayaa sheegay in ciidamo boolis ah lagu daadiyay goobta doonta laga raacayo ee labada dhinacba, si looga hor tago in ay dadka is buurtaan, maadaama howsha socota ay tahay mid aan ku filneyn tirade dadka iyo gaadiidka labada dhan isaga kala gooshaya.

Horay ayey goobta doomaha Ferry-da laga raaco ee Likoni uga dheceen musiibooyin isugu jiray kuwo ka hashay is buurashada dadka iyo cilado ku yimid doomaha halkaasi ka shaqeeya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *