Canada iyo Midowga Europe oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta sheegtay in ay shaqaaleysiin doonto xubno gaar ah oo xisaabin ku sameysa habka ay wasaaradda u maareysay dhaqaalihii loogu qoondeeyay miisaaniyad sanadeedkii hore, si loo hubiyo saxnimada fadeexadda lagu lunsaday lacag dhan 5.3 billion oo shilin.

Wasiirka caafimaadka Dr Cleopa Mailu ayaa maanta sheegay in ay suurta gal tahay in xisaabiyaha guud ee qaranka uu 2 jeer tiriyay lacagta ay isticmaashay waasaradda.

Dr Mailu ayaa ka dalbaday waaxda uu hogaamiyo Edward Ouko in ay mar kale tagaan wasaaradda ayna xaqiijiyaan tira koobka dhaqaale ee ay sameeyeen.

Hadalkaan ayuu wasiirka ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada tan Nairobi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *