Dhulgariir xoogan  oo mar kale ku dhuftay Talyaniga

Dhulgariir  xoogan oo  awoodiisu lagu qiyaasay   6.6M ayaa  saaka  ku dhuftay  bartamaha dalka Talyaaniga.

Waxay wararku intaas ku darayaan in  guriyaha qaar iyo kaniisad  ay  dumeen.

Kaniisada   burburtay ayaa  ku taalo  magaalo lagu magacaabo Norcia oo u dhow  magaalada Perugia  ee gobolka Umbria.

Caasimada Rome ee Talyaniga ayaa si weyn looga daremay dhulgariirkan .

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay   hay’adda badbaadada  rayidka ee Talyaaniga  oo   ku saabsan  khasaaraha ilaa hadda ay  xaqiijiyeen oo dhulgariirkan ka dhashay.

Maalintii Arbacada ee la soo dhaafey ayey ahayd markii dhulgariirkii u danbeeyey uu ka dhacay isla bartamaha dalkaas talyaaniga.

Dhulgariir kan oo kale ah ayaa  24-tii bishii August ee  sanadkan 2016 ka dhacay isla bartamaha Talyaaniga kaas oo ay ku dhinteen ku   dhawad 300 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *