Dowlada oo  soo  sartay 5 bilyan oo shilin oo lagula tacaalayo abaaraha ku dhufay  qaar ka mid ah degaanada dalka

Wasiirka wasaarada  dowlad wadajinta iyo qorsheynta Mwangi Kiunjuri   ayaa sheegay  in dowlada  ay soo saartay lacag dhan 5 bilyan oo shilin  oo looga gol leeyahay in lagula tacaalo saameynta ka dhalatay abaaraha ku dhuftay qaar ka mid ah degaanada dalka.

1.2 bilyan oo shilin oo lacagtan ka mid ah ayaa loo isticmaali doona in xoola dhaqatada loogu iibiyo xoolahooda   abaaraha ku nafwayay.

Mr Kiunjuri  ayaa hadalkan jeediyay isaga oo ku sugan  countiga Samburu oo ka mid ah maamul goboleedyada abaaraha saameyeen.

Waxaa booqashadan wasiirka ku wehelinayay xildhibaanada xubnaha ka ah gudiga beeraha ee baarlamaanka oo loo xil saaray in ay  ku soo waregaan dalka  si loo  soo indhaindheyo  sida ay tahay xaalada degaanada ay dhibata ka soo gaartay abaarta.

Dadka ku dhaqan countiga Samburu ayaa cuno la gaarsiiyay halka gudiga booqashada ku tagayna laga sugaya in ay baarlamaanka warbixin  arrintan ku aadan hor geyaan.

Dhanka kale Mr Kiunjuri  ayaa ka dhawajiyay in macluumadka laga helayo waaxyaha kala duwan ee dowlada y muujinayaan in boqolkiba 10 ee xoolaha ku dhaqan dalka ay saameyn soo gaartay halka qaar ka mid ahna biyo la’aan iyo cuno yari awgeed ay u dhinteen.

Ugu dambeyntina wasiirka dowlad wadaajinta iyo qorsheynta qaran ayaa  jeediyay digniin ku aadan in sarakiisha gacanta lagu dhigo iyaga oo iibinayo cunada gargaarka ah maxkamada la geynayo   shaqadana  laga tirayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *