Gudiga adeega macalimiinta ee TSC oo dalacsiinta macalinka ku saleyn doono waxqabadkiisa

 Barayaasha  sii wado sara u qaadida aqoontooda   si ay dhalacsin u muteysataan , aya waxaa la yaab ku noqday  hadal ka soo yeeray  gudiga adeega macaliminta ee TSC oo ah in dhalacsiinta macalinka lagu saleynayo waxqabadkiisa.

Qaabkan dhalacsiinta  ee  waxqabadka  lagu saleeynayo ayaa waxaa ku heshiiyay ururrada macalimiinta ee  iyo gudiga adeega macalimiinta ee TSC.

Heshiiskan oo ka soo baxay kulan todobaadkii hore ka dhacay mnagaalada Naivasha  ayaa ah mid diirada saarayo sida macalinku uu ugutay waajibadkiisa ku aadan  dugsiga uu ka howlgalo.

Horay ayey ururada macalimiinta ee KNUT iyo KUPPET  u dalbadeen  in macalimiinta  shaqeynayo  marki  ay shahadada digriiga qaatan isla markaasba  la dhalacsiiyo.

Dhanke kale waxay ururradan  soo jeediyeen in dhalacsiintaasi ay dhaqan gasho markii uu macalinku  qalan jebiyo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in  kumanaan macalimiin ah ay  xiliyada fasaxa jaamacadaha ku biirayaan si ay aqoontooda macalinimo u kordhiyan.

Barayaasha dalka ayaa horay  ka soo horjeestay  hanaankan dhalacsiinta lagu saleynayo wax qabadka macalinka oo la bilaabay bishii koowad ee sanadkan 2016-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *