Haweeney Kenyan ah oo laga soo badbaadiyay burcad badeed Soomaali ah

Haweeney u dhalatay Kenya oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen koox burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in shalay sabtidii laga soo badbaadiyay kooxdaasi oo ay u afduubneyd 3 sano.

Gabadhaan ayaa burcad badeedda looga soo furtay howlgal ay sameeyeen ciidamo gaar ah oo ka amar qaata maamulka Galmudug ee bartamaha Somalia.

Louis Njoki ayaa hadda waxaa amaankeeda sugaya masuuliyii Galmudug, iyadoo la filayo in dhawaan loo soo duuliyo dhinaca wadankeeda hooyo ee Kenya.

Arrintaan ayaa waxaa xaqiijiyay Andrew Mwangura oo ah isku duwaha howlaha la xiriira badda ee gobolka bariga Africa, hase ahaatee sarkaalkaasi ayaa ka dhawaajiyay in aysan kala caddeyn in uu qasaare ka dhashay howlgalkaasi iyo in kale.

Mr Mwangura ayaa intaas ku daray in hadda Mrs Njoki oo nabad qabta ay qaadaneyso daawooyin, si xaaladdeeda caafimaad loola tacaalo.

Haweeneydaasi Kenyanka ah ayaa oo uu la socday lamaanedeeha James Kuria ayaa kooxda burcad badeedda ah ee Somalia gacanta u galay sanadkii 2014-ki, xili ay dawooyin safrinayeen.

Qof kale oo Kenyan ah oo lagu magacaabo Patrick Amukhuma ayaa wali la la’yahay kadib markii sanadkii 2008-di lala afduubtay nin lagu magacaabo Dr Murray Watson.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *