Mareykanka oo qoysaska  shaqaalaha   ee safaarada  uu ku leeyahay Turkiga ugu baaqay in ay dalkaasi isaga baxaan

Wasaarada arrimaha  dibada ee Mareykanka  ayaa  xubnaha qoysaska   shaqaalaha safaarada Mareykanka  ee magaalada Istabul ugu baaqday in ay Turkiga isaga baxaan, khatar dhanka amaanka ah awgeed.

Bayaan  maanta oo axad  ah ka soo baxay xafiiska wasaaradan arrimaha dibada ayaa lagu xusay in digniintan ay timid  ka dib markii la helay  xog ku aadan in  kooxaha argagixisada  ay  bartilmamedsanayaan  rayidka  Mareykanka ee ku nool  magalada Istanbul ee Turkiga.

Balse waxa fariinta dhanka kale lagu xusay in safaaraad ay furanaan doonto .

Xarumaha kale ee diblomaasiyeed oo uu Mareykanka Turkiga ku leeyahay  ayaa ah kuwo uunan go’aanka ka soo baxay wasarada saameyneynen.

Sido kale , Mareykanka ayaa shacabkiisa  uga digay  in ay u safraan koonfurta bari ee Turkiga iyo in ay  feejignadaan marka ay safara ku marayaan degaanada kala duwan  ee dalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *