Ururrada rayidka oo ku baaqay in xoghayaha wasaarada caafimadka  Dr. Nicholas Muraguri uu iscasilo

Ururada rayidka ee dalkani  Kenya ayaa sheegay in maalinta arbacada ay dhigi doonan dibad baxyo ay ku dalbanayaan in uu xafiiska baneeyo xoghayaha wasaarada  caafimadka   Dr. Nicholas Muraguri.

Waxay doonayaan in Dr Muraguri  uu qaato masuuliyada  lacag dhan 5.2 bilyan oo shilin looga lunsaday  wasaarada uu xoghayaha ka yahay ee caafimadka.

Dhanke kale waxay   xubnaha ururadan soo hadal qadeen hadalada ku aadan in xaoghayaha uu u goodiyay  wariyihii ugu horeyay ee fadeedaxadn shaaca ka qaaday.

Sido kale , waxay soo bandhigeen 7 arrimood oo ay leeyihiin way haboontahay in madaxweynaha uu raaco si loola dagaalamo  musuqmaasuqa.

Todobadan  arrimood  oo ay soo jeediyeen ayaa waxa ka mid ah  in hanta dhowr lagu sameeyo  hantida  shaqalaha dowlada  iyo in la xoojiyo   tayada   howlaha xafiiska hanta dhowrka guud.

Waxay sido kale ku baaqeen in  shaqalaha dowlada  laga mamnuuco in wax ganacsi ah uu kala dhexeyo dowlada.

Ugu dambeyntina, ururradan rayidka   ayaa rabo in sanad kasta  shaqalaha dowlada ay shaaca ka qadaan hantidooda si loo xaqiijiyo sida sarkaalkaasi uu hantidaasi ku helay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *