Xiisado ba’an oo ka taagan Kisumu kadib markii la waayay Xubin ka tirsan golaha wakiillada ee Kisumu

Qalalaase ayaa manta ka taagan galbeedka maamul goboleedka Kisumu, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay gubeen guryo, isla markaana dhagaxaan ku tureen gawaarida wadooyinka isticmaaleysa.

Xiisadaan ayaa dhalatay kadib markii la waayay xildhibaankii golaha wakiillada Kisumu ee laga soo doortay deegaanka galbeedka Ksimu Mr Paul Odhiambo.

Siyaasigaan oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha aadka u hadla ayaa la tuhunsanyahay in la afduubtay, in kastoo aan la xaqiijin Karin aarintaasi oo ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta.

Paul Odhiambo oo lagu naaneyso Minega ayaa markii dadkiisa ugu war dambeysay waxa ay ahayd habeenimadii xalay, lamina oga cida kaxeysatay iyo halka lala aaday toona.

Hase ahaatee gaarigiisa ayaa saaka laga helay meel aan sidaas uga fogeyn albaabka hore ee gurigiisa.

dadka deegaanka ee taageersan siyaasigaasi ayaa manta xiray wadada mashquulka ah ee isku xirta magaalooyinka Kisumu iyo Busia, iyagoo laamaha amaanka ee dowladda ka dalbanaya in lasoo badbaadiyo hogaamiyahooda.

Booliska ayaa dadaallo adag u sameyay sidii ay u dajin lahaayeen xaaladda kacsan ee ka dhalatay xildhibaanka golaha deegaanka ee la la’yahay.

Saraakiisha ciidamada amaanka ayaa sheegay in ay hadda baaritaanno ku sameynayaan arrintaan, iyagoo baadi goobna ugu jira siyaasiga maqan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *