Xisbiga Pirate  oo ay guul uga soo hooyatay  doorashadii shalay ka dhacday wadanka Iceland

Natiijada  hor dhaca ah ee ka soo baxeysa   doorashada baarlamaaniga ee shalay ka dhacday wadanka Iceland ayaa muujinaya in guul ay u soo hooyatay  xisbiga siyasadeed ee loo yaqaano Pirate party.

Ila iyo  hada codadka  la tiriyay  ayaa  boqolkiba  30 waxaa helay xisbiga   madaxbanaaninada   halka xisbiga Pirate oo anan guushan oo kale laga filanin uu helay boqolkiba 14 ee codadka la tiriyay.

Kaalinta seddexad ayuu hada ku jiraa  waxaana ka horeeya xisbiga madaxbanaanida iyo midka  loo yaqaano  dhaqdhaqaaqa  cagaaran ee  Left-Green movement.

Hogaamiyaha xisbiga madaxbanaanida  Bjarni Benediktsson ayaa  sheegay in uu si weyn ugu faraxsanyahay natiijada doorashada iyo guusha uga soo hoyaneysa.

Xisbigan  oo la bilaabay    4 sano ka hor  ayaa waxaa xubin ka ah  dadka si weyn ugu  soo horjeedo siyaasada Yurubka .Birgitta Jonsdottir   oo ah  ninkii aasasay xisbigan ayaa  sheegay in natiijada ay tahay sidii ay hor u sadalinayeen oo ahayd in ay helaan  boqolkiba 12 – 15  ee codadka  la dhiibtay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *