Dagaallo hor leh oo kasoo cusboonaaday Africada dhexe

Hay’adaha samafalka ee dhinaca gargaarka ayaa joojiyay dhaqdhaqaaqyadii ay ka wadeen waddanka Africada dhexe, kadib markii ay dalkaasi kasoo cusboionaadeen dagaallo hor leh.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijka cuntada aduunka ee WFP ayaa hakad galisay howlihii mucaawinada ee ay ka sameyn jirtay wadankaasi ku yaalla bartamaha Africa.

Tallaabadaasi ayey hay’adda u qaaday sababo la xiriira amni darro, iyadoo ka cabsi qabta in shaqaaleheeda la wax yeelleeyo, iyadoo arrintaanna ay saameysay 120,000 oo qof oo rajeynayay in ay helaan raashin gargaar ah..

In ka badan 20,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku go’doonsanyihiin xarumaha ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ka howl gala dlakaasi.

Xiisadda ugu ba’an ayaa ka taagan magaalada Kaga Bandero, oo ku taalla Waqooyiga waddanka Africada dhexe, iyadoo la muujinayo walaac xoogan oo ku saabsan xaalad bani’aadannimo oo aad u xun.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *