Hogaamiyeyaasha mucaaradka oo sare u qaaday eedeymaha ay u jeedinayaan dowladda

Raila-Odinga

Siyaasiyiinta kasoo jeeda garabyada mucaaradka ee dalka ayaa eedeymo kulul u jeediyay dowladda uu hogaamiyo xisbiga Jubilee, kadib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan fadeexad musuqmaasuq ah oo lacago looga lunsaday wasaaradda caafimaadka.

Balse masuuliyiinta dowladda ayaa dhankooda gaashaanka ku dhuftay dhaliilaha cusub ee uga imaanaya dhinaca siyaasiyiinta kasoo hor jeeda xukuumadda.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ANC Musalia Mudafadi ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid aan indhaha laga qarsan Karin.

Hase ahaatee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday dhawaaqa kasoo baxay madaxda mucaaradka, isagoo sheegay in eedeymahaan ay la mid yihiin kuwo horay u beenoobay.

Lacag dhan 5.3 billion oo shilin ayaa la sheegay in qaab musuqmaasuq ah looga lunsaday wasaaradda caafimaadka, wallow ay saraakiisha wasaaraddaasi ku adkeysteen in arrintaasi aysan xaqiiqo ahayn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *