Iran oo beenisay in ay taageerto kooxda Taliban

Dowladda Iran ayaa ganafka ku dhufatay warar soo baxay oo muiujinayay in ay gacan caawinaad ah siiso kooxda Taliban ee ay xoogageeda ka dagaalamaan dalalka Afganistan iyo Pakistan.

Masuuliyiinta xukuumadda Tehran ayaa si adag u beeniyay in ay wax xiriir ah la leeyihiin kooxdaasi oo ay sheegeen in ay u arkaan dhaqdhaqaaq argagixiso ah.

Shalay axaddii ayey ahayd markii wargeyska Asharq Al-Awsat ee kasoo baxa dalka Masaru u shaaciyay akhbaar uu kasoo xigtay af hayeenka kooxda Taliban ee dalka Afganistan Mullah Zabihullah, oo sheegay in ay dhawaan xiriir la sameysteen dalka Iran.

War bixintaasi ayaa intaas ku dareysay in Zabihullah uu ka dhawaajiyay in ay Taliban wax badan ka faa’iidi doonto cilaaqaadka cusub ee ay la sameysaneyso Iran, taasoo ka caawineysa dagaalka ay kula jirto Mareykanka iyo xulafadiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *