Rag lagu tuhunsanyahay kooxda Daacish oo lagu xiray Sacuudiga

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Saudia Arabia ayaa shaaca ka qaaday in laamaha amaanka ee dlakaasi ay fashiliyeen weeraro ay qorsheynayeen xubno ka tirsan kooxda isku magacowday khilaafadda Islaamka ee ISIL.

Bayaan shalay oo Xada ahayd kasoo baxay wasaaraddaasi ayaa lagu sheegay in laga hor tagay 2 weerar oo argagixiso oo la damacsanaa in laga fuliyo gudaha Sacuudiga, kuwaasoo uu bartilmaameedkoodu ahaa xarun boolis iyo garoon kubbadda lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Jeddah.

Booliska Sacuudiga ayaa xabsiga u taxaabay 4 qof oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda Daacish, kuwaasoo looga shakisanyahay in ay weeraradaas abaabulayeen.

4-taasi nin ayaa la sheegay in ay 2 ka mid ah u dhasheen dalka Pakistan, halka labada kalena ay kasoo kala jeedaan dalalka Syria iyo Sudan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *