Raila Odinga oo lagu boorriyay in uu ixtiraamo madaxweynaha

Af hayeenka aqalka baarlamaanka ee dalka Justin Muturi ayaa hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ku dhaliilay hadallo qalafsan oo uu u jeediyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Mr Muturi ayaa Raila ooh or kacaya isbahaysiga CORD ku boorriyay in uu joojiyo cadaadiska uu madaxeweynaha ku saarayo in uu xilka iska casilo, sababo la xiriira eedeymaha fadeexadda Musuqmaasuqa ee la sheegay in lacag dhan 5.3 billion oo shilin looga lunsaday wasaaradda caafimaadka.

Af hayeenka baarlamaanka ayaa ka codsaday Mr Odinga oo mar Raysul wasaare kasoo noqday dlaka in uu ixtiraam u muujiyo madaxweynaha hadda xilka haya ee Uhuru Kenyatta.

Shalay ayey ahayd markii Raila isagoo ku sugan maamul goboleedka Kakamega uu sheegay in dowladda madaxweyne Kenyatta ay ku guul dareysatay dagaalka ka dhanka ah Musuqmaasuqa, isagoo madaxweynaha si gaar ah ugu eedeeyay in uu ka war qabo dadka lacagaha jeebka ku shubta, sida uu hadalka u dhigay.

Maalmahaanba waxaa isasoo tarayay eedeymaha ku aadan musuqmaasuqa ee loo jeedinayo waaxyaha dowladda, in kastoo xukuumadda ay gaashaanka u daruurtay arrimahaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *