Ardayda dugsiyada hoose/dhexe oo maanta u fariistay imtixaanka qaran

Saaka oo talaado ah ayaa waxaa imtixaanaadka qaran ee dugsiyada hoose/dhexe u fariistay arday ay isku darka tiradooda gaareyso 952, 472 oo dhameysatay wax barashada fasalka 8-aad.

Imtixaankaan oo sanad kasta la galo ayaa ardayda ku guuleysata la gudoonsiiyaa shahaadada ay dowladda bixiso ee lagu abaal mariyo ardayda sida fiican uga shaqeysa imtixaanka loo yaqaanno KCPE.

Maadada xisaabta ayaa ugu horeysa imtixaanka saaka la galay, iyadoo maadada ingiriiskana la gali doono galinka dambe ee isla maanta, sida uu qorshaha yahay.

Gudiga qaran ee Imtixaankaadka ee magacooda loo soo gaabiyo KNEC ayaa sheegay in ay dhankooda wax kasta diyaariyeen ardaydana uu shalay usoo dhamaaday diyaar garowgooda.

Ku simaha madaxa fulinta ee gudigaasi Mercy Karogo ayaa sheegtay in imtixaankaan ay saaka ardayda ku galayaan 26,208 xarumood oo ku kala yaalla qeybaha kala duwan ee dalka.

Ms Karogo ayaa intaas ku dartay in ay howl wadeennadooda u direen dhammaan goobaha imtixaanka lagu sameynayo, si ay kormeer ugu sameeyaan hab sami u socodka imtixaankaasi.

Ardayda imtixaanka maanta u fadhisa oo ku dhow 1 million ayaa waxaa ku jira 473, 719  gabdhood iyo  478, 753 wiil, oo dhammaantood ay u idlaatay wax barashada dugsiga hoose/dhexe.

Wasaaradda wax barashada ayaa ku dadaaleysa sidii aan wax qish ah loogu sameyn lahayn imtixaanka qaran ee sanadkaan 2016-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *