Britain oo baareysa xaaladda bani’aadannimo ee dalalka Carabta

Xubno ka tirsan baarlamaanka boqorotooyada midowday ee UK ama Britain ayaa abuuray koox loo xil saaray in ay baaritaanno ku sameeyaan xaaladda bani’aadannimo iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee dalka Carabta iyo kuwa bariga dhexe.

Arrintaan ayaa waxaa shalay oo isniin ahayd warbaahinta xaqiijiyay haweeney xubin ka ah baarlamaanka gobolka Scottland oo ka tirsan boqortooyada Ingiriiska.

Margaret Ferrier ayaa hadalkaan ka sheegtay Siminaar ay uga qeyb gashay xarunta hay’adda xuquuqda aadanaha caalamiga ah ee Amnesty International.

Siminaarkaasi ayaa waxyaabihii looga hadlayay waxaa ka mid ahaa xad gudubyo ka dhan ah bani’aadanka oo laga soo tabiyay qaar ka mid ah wadamada Carabta, iyadoo la sheegay in dalalkaasi qaarkood ay siyaasiyiin  kala noqdeen dhalshada, si ay ciqaab uga dhigaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *