Faahfaahin kasoo baxeysa rabshado ay sameeyeen ardayda jaamacadda Maseno

Arday wax ka dhigata jaamacadda Maeno ee magaalada Kisumu ayaa ranshad ay sameeyeen ku dilay nin ay ku sheegeen in uu dilay mid ka mid ah saaxiibadood.

Ardayda dhintay ayaa la sheegay in lagu dilay xaafad lagu magacaabo Mabungo, iyadoo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo garaneynin sababtii dilkiisa keentay.

Qaar ka mid ah ardayda oo falkaas ka carooday ayaa daba gal ku sameeyay nin lagu tuhmay dilkaasi, kaasoo ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen kadibna isugu tageen si ay u dilaan.

Ardayda rabshaddaas sameysay ayaa dilka ninkaasi kadib waxa ay dab qabadsiiyeen gurigii uu daganaa, sida ay sheegeen warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah.

Gudoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan maamul goboleedka Kisumu Mohammed Maalim ayaa xaqiijiyay dhimashada 2-da qof ee uu mid ardayga yahay, isagoo si kulul u cambaareeyay falka ay ku dhaqaaqeen ardayda jaamacadda Maseno.

Ku xigeenka madaxa jaamacddaasi Professor Julius Nyabundi ayaa sheegay in hadda ay xaaladdu dagantahay isla markaana la xiray ardaydii geysatay dilka ninka la tuhunsanaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *