Hilary Clinton oo wali dhinaca taageerada ku hogaamineysa Donald Trump

Haweeneyda musharaxa xilka madaxtinimada u ah xisbiga dimuqraadiga ee dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa wali heysata taageero shacbi oo ka badan midda uu heysto Donald Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee iyada kasoo hor jeeda.

Daraasad la sameeyay ayaa shalay oo Isniin ahayd lagu muujiyay in ay Mrs Clinton hogaamineyso Mr Trump, xili xitaa ay FIB-da Mareykanka dib u fureen baaritaannada ku aadan Emailka gaarka ah ee ay Hilary Clinton u adeegsatay howlaha dowladda, xiligii ay ahayd xog hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Ra’iyi aruurinta la sameeyay oo uu soo bandhigay Televishinka NBC ayaa lagu muujiyay in Hilary ay 6 dhibcood ka horeysay Trump, tiradaasoo aan is badalin tan iyo isbuucii lasoo dhaafay.

Qiyaastii 1 isbuuc oo qura ayaa hadda naga xiga xiliga ay dhaceyso doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka oo ku beegan 8-da bishan November.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *