Imtixaanka KCPE oo maanta ka bilowday dalka

Waxaa guud ahaan dalka maanta si rasmi ah mar qura uga wada bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee KCPE-da, kaasoo ay sanad kasta ardayda dhameysatay fasalka 8-aad galaan.

Arday ay isku darka tiradooda gaareyso 952, 472 oo ka kala tirsan dhamaan dugsiyada ay dowladda gacanta ku heyso iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaa u fariistay imtixaankan shahaadiga ah.

Maadada Xisaabta oo ugu horeysay jadwalka ayey ardayda galeen saaka, iyagoo galabtana u fariisanaya maadada luqadda Ingiriiska.

Ku simaha madaxa fulinta ee gudiga Imtixaanaadka Qaran ee KNEC Mercy Karogo ayaa sheegtay in imtixaankaan ay maanta ardayda ku galayaan 26,208 xarumood oo ku kala yaalla qeybaha kala duwan ee dalka.

Haddaba imtixaankan ayaa si habsami leh uga socda degmooyinka ka tirsan maamul goboleedyada gobolka waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera.

Maalinta khamiista ah ee isbuucaan ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo imtixaankaan oo natiijadiisa ay soo bixi doonto dabayaaqada sanadka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *