Madaxa caddaaladda oo la kulmaya hogaamiyeyaasha mucaaradka

Madaxa cusub ee caddaaladda dalka David Maraga ayaa la filayaa in uu maanta kulan la yeesho masuuliyiinta sar sare ee isbahaysiga ugu weyn mucaaradka ee CORD.
Mr Maraka ayaa xarunta maxkamadda ugu sareysa dalka ee Supreme Court shir kula yeelan doona hogaamiyeyaasha kala ah Raila Odinga, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetang’ula.
Tallaabadaan ayuu madaxa Caddaaladda uga gol leeyahay si dib loogu dhiso kalsoonida ay macaaradka ku qabeen waaxda Garsoorka, xili uu dalka wajahayo doorashada guud ee dhici doonta sanadka soo socda ee 2017-ka.
Madaxda mucaaradka iyo taageerayaashooda ayaa xiriir aan wanaagsaneyn la lahaa laanta garsoorka ee qaranka intii uu xilka hayay madixii hore ee caddaaladda ee howlgabka noqday Dr Willy Mutunga, iyadoo la xasuusto in uu muran xoogan ka dhashay natiijadii doorashada madaxtinimada ee sanadkii 2013-ki, taasoo mucaaradka ay ku guul dareysteen.
Dhanka kale, waxaa galinkii hore ee shalay geeriyooday madixii hore ee caddaaladda dalka ee goor hore howlgabka noqday Abdul Majid Cockar.
Majid Cockar oo ku geeriyooday da’da 93 sano jirka ayaa isla shalay galinkii dmabeba la aasay, waxaana munaasabadda aaskiisa ka qeyb galay madaxa cusub ee caddaaladda David Maraga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *