Xisbiyada Wiper iyo Ford Kenya oo la filayo in ay tallaabo ka qaadaan siyaasiyiinta ka fallaagowday

Hogaanka xisbiyada mucaaradka ah ee Wiper iyo Ford Kenya ayaa la filayaa in ay dhawaan ku dhaqaaqaan tallaabo ciqaab ah oo ay ka qaadayaan xildhibaannada shaaciyay in ay isaga bexeen xisbiyadaasi eek u biiray xisbiga tala haya ee Jubilee.

Mudaneyaal dhowr ah ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in ay kasoo goosteen xisbiyadaasi ka tirsan isbahaysiga ugui weyn mucaaradka dalka ee CORD, iyagoo hadda gacan siinaya xisbiga midoobay ee Jubilee.

Masuuliyiinta xisbiyada Wiper iyo Ford Kenya ayaa aaminsan in Siyaasiyiintaan ay markii tallaabo laga qaado halis ugu jira in ay xilalkooda waayaan.

Gudoomiyaha Wipre David Musila ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin siyaasiyiinta jabisa sharciyadooda, kuwaasoo uu ugu goodiyay in ay la tiigsan doonaan ciqaabo dhinaca anshaxa ah.

Sidoo kale xog hayaha guud ee xisbiga Ford Kenya Eseli Simiyu ayaa isagana ka dhawaajiyay in golaha sare ee xisbigiisa ay isbuucaan kulan yeelan doonaan si ay go’aan u gaaraan.

Shalay ayey ahayd markii xisbiga ODM ee uu hogaamiyo Raila Odinga ay ku shaaca ka qaadeen in ay eryeen 10 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, kuwaasoo horay uga mid ahaa ODM balse isaga baxay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *