Kenya oo ka fiirsaneysa ka bixitaanka maxkamadda ICC

Masuuliyiinta Kenya ayaa si aad u dhow ugu kuur galaya ka bixitaanka heshiiska ay ku dhisantahay maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka ee ICC-da, ka hor inta aysan iyada qudheeda qaadin tallaabo noocaasi ah.
Xog hayaha dhinaca siyaasadda iyo diplomaasiyadda ee Kenya Tom Amolo ayaa shalay arrintaan u sheegay golaha guud ee qaramada Midoobay.
In dhawaaleba Kenya ayaa ka fiirsaneysay go’aankeeda la xiriira in ay cilaaqaadka u jarto maxkamaddaasi oo ay xubin ka ahayd tan iyo markii la aasaasay.
Bishii lasoo dhaafay ee October ayey ahayd markii ay dalalka Burundi, Koonfur Africa iyo Gambia ku dhawaaqeen in ay billaabeen hannaanka ay uga baxayaan maxkmaaddaasi.
Hase ahaatee dowladaha Senegal, Nigeria iyo Tanzania ayaa ka mid ah dalalka Africanka ah ee sida xoogan u taageera maxkamaddaasi caalamiga ah ee uu fadhigeeda yahay magaalada Hague.
Wadamada Africa ee aan la dhacsaneyn shaqada maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka ayaa marar badan ku dhaliilay in maxkamaddaasi ay si gaar ah u bartilmaameedsato hogaamiyeyaasha iyo shaqsiyaadka kasoo jeeda Qaaradda Africa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *