Maxkamad ku taalla Sacuudiga oo karbaash iyo xabsi ku xukuntay nin amiir ah

Maxkamad uu fadhigeedu yahay waddanka Saudi Arebia ayaa xukun karbaash iyo xarig ah ku riday nin amiir ah oo ka tirsan qoysaska boqortooyada ee dalkaasi.

Amiirka oo aan wali magaciisa si rasmi ah loo shaacinin ayaa lagu helay dambi ah in uu jabiyay sharciga, kadib markii lagu soo oogay dacwad ka dhan ah.

Xukunka karbaashka ah ayaa la fuliyay7 galabnimadii Insiinta ahayd ee isbuucaan, isagoo inta aan la karbaashin ka horna lagu sameeyay tijaabo caafimaad oo lagu ogaanayay in uu qabo wax xanuun ah oo dib u dhigi kara in xukunkaas lagu fuliyo, sida uu qoray wargeys maalinle ah oo kasoo baxa Sacuudiga oo lagu magacaabo Okaz.

Horaantii bishii October ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii xukun dil ah lagu fuliyay amiir da’ yar oo ka tirsanaa qoysaska boqortooyada, kaasoo lagu helay dambi ah in uu fal dil ah geystay, waxaana ay ahayd markii ugu horeysay ee amiir la dilo tan iyo sanadkii 1975-ti.

Tallaabada lagu ciqaabay xubnaha ku abtirsada qoysaska boqortooyada ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay shacabka Sacuudiga, iyagoo sheegay in taasi ay muujineyso in dhammaan dadka ay u wada simanyihiin sharciga Islaamka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *