Rwanda oo saraakiil Faransiis ah ku eedeysay xasuuqii 1994-ti

Dowladda Rwanda ayaa soo bandhigtay liis cusub oo ay ku muujisay 22 askari oo ka tirsanaa ciidamada Franciiska, kuwaasoo ay ku eedeysay in ay kaalin ka qaateen qorshihii lagu abaabulay xasuuqii dadka badan lagu laayay ee dalka Rwanda ka dhacay sanadkii 1994-ti.

Liiskaan cusub ayaa waxaa shaaciyay golaha loo dhisay dagaalka ka dhanka ah xasuuqa ee waddanka Rwanda, kaasoo aysan shaqadiisa la dhacsaneyn dowladda France.

Dhawaaa kasoo yeeray xukuumadda Kigali ayaa dha dhigan in uu aad uga sii darayo xiriirka xun ee u dhexeeya dalalka Rwanda iyo France oo ay ka dhaceyso xurfug diplomaasiyadeed oo aad u ba’an.

Xasuuqii weynaa ee dalka Rwanda ka dhacay sanadkii 1994-ti ayaa inta la hubo lagu dilay 800,000 oo qof oo u badnaa qoomiyadda Tutsiga eek u dhaqan dalkaasi.

Xiligaasi ayaa waxaa waddankaas ka socday dagaal sokeeye oo u dhexeeyay maleyshiyaad kala taabacsanaa qoomiyadaha Hutuga iyo Tutsiga, oo isku heysta talada waddankaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *