Askar mareykan ah oo lagu dilay Afganistan

2 xubnood oo ka tirsan howl wadeennada Milatariga Mareykanka eek u sugan dalka Afganistan ayaa maanta la dilay xili ay gacan siinayeen ciidamada dalkaasi oo waday howlgal ka dhan ah kooxda Taliban.

Bayaan kasoo baxay taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in howl galkaasi lagu dilay 2 nin ee Mareykanka ah uu ka dhacay magaalada Kunduz ee Waqooyiga Afganistan.

War bixintaasi ayaa lagu sheegay in howl wadeennada Mareykanaka ah la rasaaseeyay xili ay ku guda jireen caawinta ciidanka Afdganistan ee dhinaca la talinta iyo tababarka.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay qaabka uu u dhacay weerarkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *