Dab xoogan oo baabi’iyay Suuqa Kangemi ee magaalada Nairobi

Ganacsatada suuqa Kangemi ee magaalada tan Nairobi ayaa saaka kusoo toosay qasaare ba’an oo soo gaaray kadib markii uu xalay dab xoogan ka kacay suuqaasi.

Hanti fara badan oo ku kaceysa malaayiin shilin ayaa ku bas beeshay dabkaasi oo waxyeello dhinaca dhismaha ahna u geystay suuqaaasi ku yaalla xaafadda isku raranta ah.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu bilowday abaare 3.00 habeenimo, waabarigii ka hor.

Guryo la daganaa oo ku ag dhow suuqaasi ayay sidoo kale saameyn kasoo gaartay dabkaasi oo lagu guuleystay in goor dambe la damiyo.

Waaxda dab damiska ee maamul gobooleedka Nairobi ayaa gacan ka geysatay xakameynta iyo daminta dabka oo ay ku howlanaayeen dadka deegaanka iyo ganacsatada.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee uu ka dhashay dabkaasi.

Ma jiro wax qasaare nafeed ah oo lasoo tabiyay in uu sababay dabkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *