Dhul gariir kale oo ku dhuftay bartamaha Talyaaniga

Dhul gariir xoogan ooh or leh ayaa lagu soo waramay in uu maanta ku dhuftay bartamaha dalka Dalyaaniga, halkaasoo ay dhawaan waxyeello ka geysteen dhul gariirro kale oo noocaasi ah.

Hay’adda saadaasha hawada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in dhul gariirkaan ugu dmabeeyay uu cabirkiisu ahaa 4.8 Magnitude oo ah qiyaasta dhul gariirrada.

Hase ahaatee ma jiro wax qasaare ah oo lasoo tabiyay in uu ka dhashay dhul gariirka sameeyay deegaanno horay u bur buray.

26-ki bishii October ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii ay 2 dhul gariir oo cabirkoodu ahaa 5.5 manitude iyo 6.1 magnitude ay ku dhufteen bartamaha Talyaaniga, iyadoo uu xigay dhul gariir kale oo deegaannadaas ku dhuftay maalintii axada ahayd ee lasoo dhaafay.

Dhul gariirrada is daba joogga ah eek u dhuftay Italy ayaa noqday kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara muddo 36 sano ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *