Hogaamiyaha kooxda Daacish oo markii ugu horeysay soo diray fariin ku saabsan dagaalka Mosul

Abu Bakr al-Baghdadi oo ah hogaamiyaha guud ee kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamka ee ISIL ayaa muujiyay kalsooni weyn oo uu ku qabo in dagaalyahannada kooxdiisa ay ku guuleysan doonaan dagaalka ka socda magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.

Hogaamiyaha Daacish ayaa hadalkaan ku sheegay fariintii ugu horeysay eek u saabsan dagaalka Mosul oo uu soo dhigay baraha Internmetka ay ku leedahay kooxda ISIL.

Al baqdaadi ayaa xoogaga ISIL ee ku sugan Mosul ugu baaqay in ay si adag u difaacdaan magaaladaasi istiraatiijiga ah ee gacantooda ku jirtay tan iyo sanadkii 2014-ki.

Ciidamada dowladda Ciraaq oo gacan ka helaya maleyshiyaad qabaa’il ah iyo dowladda Mareynakanka ayaa bishii lasoo dhaafay si buuxda u billaabay howlgal ay ku doonayaan in ay kula wareegaan Mosul oo ah magaalada ugu dambeysa ee weyn eek u jirta gacanta kooxda Daacish, garabkooda ku sugan Ciraaq.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *