Raila Odinga oo lagu eedeeyay in uu xoojiyay hadallada aan xaqiiqda ahayn ee ka dhanka ah dowladda

Raila-Odinga

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dhaliilay hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga in uu mudooyinkii dambe aad sare ugu qaaday borobogaandada ku aadan dagaalka ka dhanka ah dowladda.

Kenyatta oo si kulul afka ugu weeraray Mr Odinga ayaa sheegay in madaxa mucaaradka iyo xulafadiisa in ay manja xaabinayaan mashaariicda dhinaca horumarinta ee ay xukuumadda ku howlantahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hogaamiyaha isbahaysiga CORD uusan soo bandhigi Karin wax horumar ah oo uu u sameeyay dadka Kenyanka ah.

Dhammaan shacabka ayuu ugu baaqay in aysan dhag jalaq u siinin hadallada aan xaqiiqda ku saleysneyn ee dowladda looga soo hor jeedo.

Dhanka kale madaxweyne Kenyatta oo shalay booqday deegaanno ka tirsan galbeedka Pokot ayaa shacabka ku dhaqan halkaasi u xaqiijiyay in ay dowladda ay sameyn doonto mashaariic horumarineed oo dhinaca raashinka iyo biyaha ah.

Safarkaasi ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay ku xigeenkiisa William Ruto iyo saraakiil kale oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *