Shil tareen oo ka dhacay dalka Pakistan

Ugu yaraan 16 ruux oo rakaab ah ayaa ku geeriyootay shil tareen oo saaka ka dhacay magaalada Karachi ee dalka Pakistan, sida ay kusoo warameen saraakiisha booliska ee dalkaasi.

Qasaarahaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen 2 tareen oo marayay khadadka tareennada ee magaalo xeebeedka Karachi oo ah magaalada ugu weyn waddanka Pakistan.

Tirada dhimashada ayaa intaas kasii badan karta, iyadoo dadka ku dhaawacmay shilkaasna ay gaarayaan 40 ruux.

Waa markii 2-aad oo Pakistan laga soo tabiyo shil tareen oo uu qasaare ka dhashay muddo ka yar 2 bilood gudohood.

Shilkii hore oo dhacay bishii September ayaa galaaftay nolosha 4 ruux, halka 93 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhacdadaan ayaa sababatay in la galiyay dhaqdhaqaaqyada isku socodka tareennada ee magaalada Karachi iyo qeybaha kale ee dalka Pakistan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *