In ka badan 50 qof oo ku dhimatay doon ku degtay badda Indonesia

Dad ay tiradooda kor u dhaafeyso 51 ruux oo shaqo doon ah ayaa ku geeriyooday doon ku dagtay badda ku xeeran jaziiradda Batam ee dalka Indonesia.

Booliska dalkaasi iyo saraakiisha laamaha gurmadka ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in musiibadaasi ay dhacday galinkii dmabe ee maalintii arbacada ahayd.

doonidaasi oo si aad ah loo buux dhaafiyay ayaa siday 101 qof oo soo galooti ah oo ay la socdeen qoysaskooda, kuwaasoo doonayay in ay shaqooyinmka helaan gudaha Indonesia.

Shilkaasi ayaa waxaa sababtay cimilada badda oo xiligaas aad u xumeyd.

31 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa lasoo badbnaadiyay halka tiro kalena wali la la’yahay.

Dhanka kale, ku dhawaad 200 oo qof ayaa isla maalintii Arbacada ahayd ku geeriyootay biyaha ka baxsan xeebaha dalka Libya, kadib markii ay qalibantabtay doon ay saarnaayeen, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ee UNHCR.

Dadkaasi ayaa ahaa tahriibeyaal doonayay in ay safar dhinaca badda ah ku tagaan qaaradda Europe.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *