Qaramada Midoobay oo iska fogeysay eedeyn uga timid dhinaca Kenya

Masuuliyiinta qaramada Midoobay ayaa kasoo hor jeestay dhaliil uga timid dhinaca dowladda Kenya oo ku saabsan tallaabadii xilka looga qaaday taliyihii ciidamada howlgalka qaramada Midoobay ee Koonfurta Sudan.

Danjiraha Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa arrintaas u sababeeyay baaritaanno hor dhac ah oo lagu sameeyay eedeymo loo jeediyay howlgalka uu hogaaminayay General Johnson Mogoa.

Hase ahaatee Stephen Dujarric  oo ah Af hayeenka xog hayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in go’aankii taliyaha lagu badalay uusan ahayn mid ku saleysnaa natiijo hor dhac ah.

Xilka qaadista lagu sameeyay Sarkaalkaasi oo u dhashay Kenya ayaa dhalisay caro weyn oo Kenya ku kaliftay in ay ku dhawaaqdo go’aan ay ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee USMISS usasoo saareyso dalka South Sudan.

Shalay ayey ahayd markii uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku adkeystay in ciidanka Kenya laga soo saari dooino Suudaanta Koonfureed.

Major General Johnson Mogoa ayaa lagu badalay sarkaal kale oo u dhashay dalka Shiinaha, kaasoo hadda madax u noqday howlgalka nabad ilaalinta ee Suudaanta Koonfureed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *