Ajaanib la qabtay iyago dalka si sharci daro ah ku soo galaaya

Lix ruux oo ajaanib ah iyo carruur ay wateen ayaa waxa lagu xiray countiga Turkana iyagoo isku da’yaayay in ay waddanka si sharci daro ah ku soo galaan.

Ajaanibtan ayaa waxa xiray ciidamadda booliska ee ka hawlgala deeganka Lokiriama ee kuyaala xaduuda u waddanka la leeyahay waddanka Ugandha.

OCS-ka deegankaas Charles Rono ayaa sheegay in ajaanibtan waddanka lagu keenay labo gawaari oo sitay tarikada waddanka Ugandha waxana u intaas ku daray in uu u maleynaayo in dadkaas ay yihiin qaxooti ka yimid mid kamid xerooyinka kala ah Kakuma ama Dhadhaab.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in qaxootiga looga baahan yahay in ay joogan goobaha loogu tala galay oo marka ay safraayanna ay wataan dokumentyada muujinaaya in ay yihiin qaxooti.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *