Arday soo dhameeyay imitixaanka KCPE-da oo shalay biyo ku dhintay

Iyadoo khamisti ayny soo dhafnay ay eheyd markii guud ahaan dalka laga soo gabagabeeyay imtixaanad dugsiyada hoose dhaxe ee fasalka sideedaad ayaa dhanka kale waxaa hadda lagu soo waramayaa in uu geeriyoday mid kamid ah ardayda soo dhameysay imtixaanadaasi.

Ardaygan oo da’diisu lagu qiyaasay 16 sano jir ayaa ku geeriyoday biyaha Mugomo oo kutaala degmada Gatankga oo katirsan Maamul goboledka Muran’ga.

Wararka ayaa sheegayaa in wilkan iyo arday kale oo saaxibo ay ahaayen ay xiligaas isla socdeen kuwaas oo u dabaal dagayay soo afjarida dugsiyada hoose dhaxe oo mudda 8 sano ah soo aqrsinayeen.

Taliyaha ciidamada booliska Itanga Zipora Kilonzo oo xaqiijyay dhacdadani xanuunka badan ayaa sheegay in ardayga oo hadda kamid ahaa ardayda sugeysay natiijadooda uu ku geeriyooday biyaahas xili ay damaashaadayeen.

Meydka wilkaasi ayaa loo qaaday xarunta meydadka lagu keydiyo ee magaalada Thika.

Intabadan ardayda dhamesata imtixaanada shahaadiga ah ee KCPE-da iyo KCSE-da ay u dabaal daga dhamestirka waxbarashadooda xiliyadaas oo intabadan lasoo tabiyo dhacdooyin noocan oo kala ah.

Waalidinta ayaa hadda loogu baaqay in ay isha ku hayaan caruurtooda islamarkaana si ad ah u la socdaan dhaqdhaqaaqoda si looga hortago falal noocan oo kala ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *