Clinton oo ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta waa haddi la doorto Trump

Murashaxa kursiga madaxweynenimo ee xisbiga Dimuqradiga haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton ayaa iyadoo ay maalma kooban uun ka harsantahay doorashada lagu wado in ay dalkaas ka dhacdo ka digtay cawaaqib xumadda k dhalan karta haddi Donald Trump loo doorto in u noqdo Madaxweynaha Maraykanka.

Clinton oo ka hadleysay gobolka Pennsylvania oo ay ka sameyneysay ololaha ay ku dooneyso in loogu doorto kursiga Madaxweynenimo ayaa waxa ay sheegtay in Trump u adduunka ka bilaabi karo dagaal wa haddi ay dawladd kale dacayeeyso.

Haweeneydan ayaa sidoo kale su’aal galisay hantida malaayinka doolar ah ee Donald Trump u taalo waddamada dibadda ka ah Maraykanka,Mrs Clinton ayaa sheegtay in Trump u yahay nin danihiisa shaqsiyadeed mudnaanta 1-aad siiyo waxana ay ku tilmaantay in u yahay caloshiis u shaqeyste.

Siyaasiyiintan ku hardamaaya kursiga madaxweynenimo ayaa dadaal ugu jiro sida aqalka cad loogu dooran lahaa iyadoo lagu wado in doorashada maraykankana ay dhacdo 8-da Biishan waxana u cad cad in ay xilkaas qabato haweeneyda horay ugu dhexday madaxweynihi hore ee dalkaas Bill Clinton.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *