
Dowlada dalka talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in lasoo furtay laba qof oo u dhashay wadanka talyaniga iyo muwaadin kasoo jeeda Canada kuwaas oo ku afdubnaa wadanka Libya.
Wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi Italy oo xaqiijisay arintan ayaa shegtay in sedexdan qof oo dhamaantood rag ahaa xalay laga soo badbaadiyay waqooyiga dalka Libya maanta oo sabti ahna loo soo duuliyay dalkaasi talyaaniga.
War qoraal ah oo kasoo bdowlada dalkaasi ayaa lagu sheegay in badbaadinta muwaadinta ay ka qeyb qaateen maamulka Libya wallow aan fahfaahin dheeri ah laga bixinin arintaas.
Danilo Calonego and Bruno Cacace ayaa magacyadoo lagu sheegay labada qof ee u dhalatay talyaaniga halka qofka sedexadna lagu magacaabo Frank Poccia.