Hogaamiye sare oo katirsan Al qaacida oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Afghanistan

Ciidamada Militiriga dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in duqeyn ay fuliyeen bishii lasoo dhaafay lagu dilay hogaamiye katirsan ururka Al qaeda oo lagu magacaabi jiray arouq al-Qahtani.

Afhayeenka waaxda difaacada Mareykanka Peter Cook ayaa sheegay in duqeyntan oo dhacday 23-kii bishii October ee aynu soo dhafnay lagu qaaday goob uu kusugnaa mas’ulkaas oo kutaalo Maaalada kunar oo dhacda waqooyiga dalka Afghanistan.

Peter Cook ayaa intaa kudaray in uu ahaa amiirka Al-qacida ee bariga Afghanistan, waxuuna intaa raaciyay in duqeyn kale oo sidoo kale lagu bartilmaamedsanayay hogaamiye kale oo lagu magacaabo Bilal al-Utabi natiijadeeda gadaal laga soo sheegi doono.

Qahtani ayaa ka qeyb galay howlgalo balaaran o ay fuliyeen ururka Al qaaeda laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii ilaa dabayaaqadii sanadkii 2010-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *